Madaarka ugu wanaagsen caalamka

Madaarka Changi - Singabore ku yaalla qaaradda Aasiya ayaa si joogta ah loogu codeeyaa inuu yahay kan ugu fiican dunida, kaas oo ay ka duulaan amaba ka soo degaan 60-70 milyan oo rakaab ah sannadkii.

Changi ayaa hakiyay shaqada saddexmeelood laba meelood ka dib markii ay duullimaadyada aad hoos ugu dheceen markii ugu horreeysay abid.

Waxaa sidoo kale la joojiyay balaadhintii qeybta shanaad oo labadii sannadood ee la soo dhaafay ka socday madaarka.

"Dagaalka lagula jiro Covid-19 haatan ayuu un bilowday," sidaasi waxaa warbixintooda sannadlaha ah ku yiri Maamulayaasha Madaarka Changi. " Mustaqbalka waa mid aanay rajadiisu wanaagsanayn."

Singapore ayaa 23-kii bishii Maarso joojisay soo gelidda iyo sii marista dalkeeda, waxayna taasi horseedday iney gabi ahaanba joogsadaan rakaabkii madaarkooda la jecelyahay ee Changi.

Hase yeeshee saameeyntii bilihii uu xirnaa ayuu Changi  weli ka soo kabsan la'yahay oo waxa uu khasaaray lacag dhan 435 milyan oo doolar.

Madaarka Changi ayaa sannadka 2020-ka loogu codeeyay inuu yahay elaboorka ugu fiican dunida, taasi oo ka dhigan in sannadkii 8-aad oo xiriir uu noqday eelaboorka ugu wanaagsan caalamka, sida laga soo xigtay shirkadda Skytrax oo fadhigeedu yahay UK.

 

nhjyu

Sannadkii la soo dhaafay Madaarka Changi ayaa xarigga ka jaray xarun laga dukaameysto oo aad u weyn oo uu fadhigeedu yahay 14 hektar oo isku wareeg ah.

Masuuliyiinta gagida diyaaradaha ee Changi ayaa sheegay in rajada dib usoo noqoshada shaqada eelaboorka ay ku xirantahay sida dalalka caalamka ay u maareeyaan xaduudaha iyo khafiifinta shuruudaha duulimaadyada.

 

isha warka. BBC

Category