Maamulka Gobalka Banaadir oo la wareegay adeegyada caafimaadka Caasimadda

Muqdisho (RH)-Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta adeegyada caafimaadka gobalka Banaadir ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa arrintaas looga dhawaaqay, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Fowsiya Xaaji Abiikar.

Wasiirka ayaa sheegtay in ka hor inta aan lagu dhawaaqin arrintan la sameeyay qiimeyn ku aadan bal in maamulka gobalka Banaadir uu u awood u lee yahay maamulka adeegyada caafimaadka caasimadda, waxaana ay ballan qaaday in ay caawin doonaan.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa dowladda uga mahadceliyay go'aanka ay maamulkiisa ugu wareejiyeen adeegyada caafimaada gobalka Banaadir, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan adeegyada caafimaadka gobalka Banaadir.

Sannadkii horre ayey ahayd markii sidan oo kale maamulka gobalka Banaadir loogu wareejiyay adeegyada waxbarashada gobalka Banaadir.

Laakin su'aalaha dadka is weydiinayaan ayaa ah in maamulka gobalka Banaadir uu awood u lahan doono in uu maamulo adeegyada waxbarashada iyo kan caafimaadka ee gobalka Banaadir.

Munaasabadda maamulka gobalka Banaadir loogu wareejiyay adeegga caafimaadkaMunaasabadda maamulka gobalka Banaadir loogu wareejiyay adeegga caafimaadkaWasiirka Caafimaadka xukuumadda SoomaaliyaMunaasabadda maamulka gobalka Banaadir loogu wareejiyay adeegga caafimaadka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category