Lamaanihii lagu diley Hotel Afrik

Masiibadii habeenkii Axada ka dhacday hotelka Afrik ee kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad kala duwan ayaa waxaa dadkaasi ka mid ahaa Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali oo sagaal maalmood ka hor guurkooda ka dhacay magaalada Muqdisho, kana mid ahaa dadkii Hotel Afrik maalmaha malabka ku qaadanayay hotelka.

Fahad ayaa wuxuu ka tegay dalka Holland si uu magaalada Muqdisho ugula aqal galo lamaanahiisa Farxiya Cali, waxaana meherkoodu uu dhacay sagaal maalin ka hor sida uu sheegay madaxa shirkadda Arag Rijopleidingen Ridwaan Maxamed Xasan oo saaxiibo isla soo koray ahaa marxuumka.

Category