Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska doorashada cusub

Muqdisho (RH)-Xildhibaananda labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyey heshiiskii ay dhawaantan Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul gobolleddada iyo gobolka Banaadir.

Heshiiskaas oo ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaanka sannadkan 2020-ka iyo billowga sannadka soo socda ee 2021-ka.

Fadhigga oo ay joogeen 255 xildhibaan, waxaa heshiiska ansixiyay 252 xildhibaan, waxaa diiday hal xildhibaan iyadoo mid kalena uu ku aamusay, sida ay sheegeen gabagabadiid kulanka guddoonka baarlamaanka.

Kulanka maanta xildhibaannada waxaa goob-joog ka ahaa guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, shanta madaxweyne goballeedyada iyo duqa caasimadda Muqdisho ayaa 17-kii bishan Septermber waxa ay Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiis ka kooban 15 qodob kaasoo ay ka mid ahayd nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa maadama la isku mari waayay in doorasho qof iyo cod ay dalka ka dhacdo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category