Khilaafkii u dhexeeyay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo war cusub laga helay

Garowe (RH)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed kuwaasoo ku kala aragti duwanaa doorashada xildhibaannada ka immaanaya goballada waqooyi.

Warar la isku heleen karo ayaa sheegaya in xal billow ah la gaaray, laakin weli si rasmi ah looma shaacin.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa horrey u sheegay in uu diidan yahay qaabka loo soo xulayo xildhibaannada goballada waqooyi oo doorashadooda dhawaan la qaban doono.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa qeybgalay shirkii machadka Heritege ku qabatay magaalada Garowe, kaasoo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyne ay ka qeybgali doonaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goballeedyada iyo guddoomiyayaasha labada aqal.

Si kastaba, illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxweynaha oo ku aadan in la qaban doono shirweyne looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Radio Hormuud

Studio 3

Garowe, Puntland

Category