Khasaare kadhashey ciidamo kawada tirsan DF oo kudagaalamey Doolow

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Doolow oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah u dhex-maray ciidamada nabad sugida Doolow iyo kuwa dowladda ee ka howlgala gudaha degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobgoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in is-raasaseynta labada dhinac oo muddo socotay uu ku dhaawacmay talityaha ciidanka nabad sugidda Doolow oo lagu magacaabo Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka dhex-maray labada dhinac, balse mar qura ayey dadka deegaanka ka war-helin xabad dhaceysa.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan deggan tahay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxsay shaqaaqadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada oo la xiriira iska hor imaadkaasi dhaliyey khasaaraha.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa inta badan dhexdooda is rasaaseeya, waxaana ka dhasha khasaare kala duwan oo qaarkood soo gaara dadka rayidka ah ee lagu kor diriro.

 

 

Category