Kenya oo furtay dhismaha cusub ee safaaradeeda Muqdisho

Muqdisho (RH)-Dowladda Kenya ayaa shalay si rasmi ah dib ugu furtay dhismaha cusub ee safaaraddeeda ee magaalada Muqdisho, bilo kadib markii labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Safaaradda ayaa waxaa furtay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo oo shalay booqasho ku tagtay Muqdisho, waxaana wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen labada wasiir ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay soo dhoweynayeen dib ugu laabashada labada safiir ee xarumahooda diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Waxay sheegeen in taasi ay xudun u aheyd ballan-qaadka furitaanka bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa la filayaa in lagu sii xoojiyo socdaal la filayo in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu toddobaadkan ku tago magaalada Nairobi.

Raysal wasaare Rooble oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay Raychelle Omamo, ayaa kadib qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoom

Category