Jaamacadda Hargeysa oo yeelanaysa shaybaadh tignoolajiyadeed oo casri ah

Hargeysa (RH)- Shirkadda isgaadhsiinta ee Somtel ayaa ugu deeqday Jaamacadda Hargeysa Sheybaadh dhanka Isgaarsiinta kaas oo ay ku baxday kharash dhan $1.2M.

Sheeybaadhkan ayaa waxaa uu ka dhigaya Jaamacadda Hargeysa, jaamacadda keli ah ee haysata shaybaadh isgaadhsiineed, Somaliland oo dhan.

Jaamacadda Hargeysa ayaa sannad walba waxaa ka baxda arday kor u dhaafaysa boqollaal, kuwaas oo ka qalin jebiya culuumta kala duwan ee jaamacaddaas lagu bixiyo. Waxaana u danbeeyey kun iyo dheeraad shalay ay uun ahayd xafladdii qalinjebintooda.

Xiggasho: BBC

Category