Inta badan xildhibaanada gobolada waqooyi oo ku imaandoona rabitaanka Farmaajo

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana sheegta in ay matalaan Gobalada Waqooyi ayaa sheegay 15-ka xubnood ee gobalada Waqooyi ay 9 kamid ah ku imaan doonaan rabitaanka madaxweyne Farmaajo, halka 6-da kale uu soo gudbin doono Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Cabdi Xaashi. 

Xogta ayaa tilmaameysa in 6-da Xubnood ee la siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed laga soo gudbin doono xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, xogta ayaa tilmaameysa in 3-da xubnood ee kalana oo uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagana ay Villa Somalia ku heyso farogelin, waxaana arrintaan qeyla dhaan ka muujiyay siyaasiinta maqaarsaarka ah ee gobalada Waqooyi. 

Xildhibaano Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanada sheegta in  laga soo doorto gobalada Waqooyi iyo kuwa kale ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wali maamulayo soo magacaabista guddiyada ka imaanaya gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyagoona baaq u diray RW Rooble. 

Ka sokow xubnaha gobollada waqooyi, madaxweyne Farmaajo ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xubnihii laga soo xulay Hirshabeelle, oo badankood la sheegay inay ku yimaadeen rabitaankiisa.

Category