Inta badan dadkii ku dhintay qarixii hotelka Elite oo la aasay

Muqdisho (RH)-Inta badan waxaa maanta la aasay dadkii ku dhintay qarixii shaley ka dhacay hotel ku yaalla xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarkaas oo isugu jiray, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah ayaa inta badan maanta la aasay.

Weerarkaas waxaa ku dhintay 17 qof, waxanaa uu mid socday dhowr saacadood, kaddib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u gashay hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ah agaasimihii xiriirka goballada ee warbaahinta dowladda Cabdirisaaq oo ka mid ahaa dadkii markii uu billowday weerarkaas.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ayaa lagu daweenayaa isbitaalo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in qaar ka mid ah ay xaaladooda soo hagaageyso.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category