Indonesia oo mamnuucday in ay ardayda lagu qasbo xijaabka

Ka dib kolkii  uu bulshada aad ugu dhex faafay muuqaal muujinaya ardayad Masiixiyad ah oo lagu dirqiyayo in ay fasalka ku dhax xidhato khimaar, ayaa Indonesia dugsiyada dawladda ka mamnuucday in labiska diimeed lagu khasbo ardayda.

Gabadhaas 16 jir ka ah ayaa dhigata dugsi uu ka jiro sharci [hablaha] ardayda ah ku waajibinaya in ay xidhaan khimaar.

Xukuumadda ayaa haatan u qabatay iskuulada muddo 30 casho ah in ay xeerarka noocaas ah ku laalaan.

 

isha warkan .BBC

Category