Imtixaanka Shahaadiga Ah ee Fasalka 8aad Ee DDS. Oo Maanta Bilaabmay

Jig-jiga(RH):-Waxaa maanta guud ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya si rasmi ah uga bilaabmay Imtixaanka fasalka 8aad.

sdd

44,144 arday ayaa u fadhiistay imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo ka billaabmay 735 dugsi oo guud ahaan deegaanka ah.

yh

Sidoo kale waxaa maanta  imtixaanka u fadhiistey 1,209 arday oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS iyo 98 ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelasha dhaqan-toosinta  Dowlad Deegaanka Soomaalida

i

Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada DDS, Cabdiqaadir Maxammed Shugri ayaa maanta magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ka daah-furey imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ,

dsa

Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada DDS ayaa ardayda kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida u rajeeyay guul

 

Category