Iiraan iyo Sacuudiga oo heshiis lama filaan ah gaaray

Labada waddan ee xifaaltanka adag ka dhexeeyo, Iiraan iyo Sacuudiga ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, tan oo imaanaysa toddobo sano ka dib markii ay xiriirka isu jareen.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa timid ka dib afar maalmood oo mas'uuliyiinta labada dal wadahadal uga socday dalka Shiinaha.

Sacuudiga ayaa Iiraan xiriirka u jaray ka dib markii sanadkii 2016 safaaradda Sacuudiga ee Tehran ay mudaharadayaal ku xoomeen taas oo daba socotay ka dib markii Sacuudigu uu xukun dil ah ku fuliyey wadaad Shiici ah.

Xiisadda u dhaxaysa labadan dal ee Shiicada iyo Sunniyiintu kala hoggaamiyaan ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markaas.

Waxa uu mid waliba kan kale u arkaa awood halis ah oo dooneysa in ay gacanta ku hayso gobolka. Waxay sidoo kale kala taageeraan kooxaha iskasoo horjeeda dhammaan bariga dhexe, oo ay ka mid yihiin Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo midda ugu daran oo ah Yemen.

Iiraan ayaa taageertay Xuutiyiinta Shiicada ah ee Yemen kuwaas oo 2014 kii ka awood badiyey dawladda uu Sacuudigu taageerayey, halka Sacuudigu uu hoggaaminayey olole duqeymo oo raaxada looga qaaday Xuutiyiinta tan iyo sanadkii xigay.

Sacuudigu waxa uu sidoo kale Iiraan ku eedeeyay taageerada ay siiso Xuutiyiinta.

Midda ugu darneyd ayaa ahayd markii sanadkii 2019 gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lag, taas oo horseedday burbur xooggan iyo hakad ku yimaadda soo saarka saliidda. Sacuudiga iyo xulafadiisa Maraykanyka ayaa Iiraan ku eedeeyay falka oo Iiraan ay beenisay.

Isku dayo hore oo la doonayey in heshiis lagu gaaro ayaa dhammaan guul darreystay, balse labada dal ayaa Jimcihii sheegay in ay safaaradaha furi doonaan muddo labo bilood ah gudahood. Waxay sidoo kale dib u laba unkayaan xiriirkooda dhanka ganacsiga iyo amniga.

Maraykanka ayaa si feejignaan leh usoo dhoweeyay heshiiska. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka cad John Kirby ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageerayso “dadaal walba oo lagu dabcinayo xiisadda gobolka”. Balse waxa uu ku daray: “ Xaqiiqdii waxay weli ku xiran tahay in Iiraan ay kasoo baxeyso waajibaadkeeda.”

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa Shiinaha uga mahad celiyey dhexdhexaadinta heshiiskan.

Xog-hayaha guud wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto dadaallada “lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo amniga gacanka”, ayuu yiri afhayeenkiisu.

Israa'iil oo ku baaqday in Iiraan la saaro cadaadiska ugu badan barnaamijkeeda nukliyeerka awgii, ayaan wax faallo ah ka bixin.

Category