Hoobiyayaal ku dhacay Muqdisho oo dad ay ku dhinteen

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan hal qof ayaa dhintey tiro ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen hoobiyayaal saaka waabariga ku dhacay xaafado ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in meelaha ay ku dhaceyn hoobiyayaasha in ay ka mid tahay degmada Xamarweyne gaar ahaan Casa-Italia, halkaasoo uu ku dhintey hal qof, iyada oo hoobiyeyal kale ay ku dhaceen afaafka hore ee degmada Shingaani, iyo sdioo kale degmada Boondheere.

Meelo badan ayaa ka mid ah xaafadaha ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga maqlay dhawaqa hoobiyaasha ku dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay oo ka mid ah hey'addaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha caafimaadka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category