Hirshabelle oo war hor leh ka soo saartay kursiga lagu muransan yahay ee Fahad Yaasiin

Jowhar (RH)-HirShabeelle ayaa ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashadadalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Kursigaasi waxaa ku guuleystay Fahad Yaasiin, balse guddiga FEIT ayaa su'aal geliyay qaabka ay u dhacday doorashadaasi.

Qoraalka HirShabeelle ayaa yimid saacado kadib markiiGuddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086

Xiggasho: BBC

Category