Hantidhowrka guud ee Soomaaliya oo soo saaray warbixinta sannadlaha

Muqdisho (RH)-Xafiiska hantidhowrka guud ee Soomaaliya, ayaa maanta oo saaray warbixinta sannadlaha ee baarista maaliyeed iyo u hoggaansanka sharciga, warbixinta ayaa lagu xusay in uu dhacay khaladaad, sida uu saxaafadda u sheegay hantidhowr guud.

Waxa kale oo uu sheegay in warbixintan ay waafaqsan tahay sharciga dalka iyo hufnaanta maamul maaliyeed ee dowladda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lagu baaray 35 hey'adood oo ka mid ah hey'adda dowladda, kuwaasoo loo ushay.

Sida ku warbixinta xafiiska hantidhowrka, hey'addahaas 55% waa ay ku guuldareesteen in ay diyaariyaan ayna soo gudbiyaan warbixin maaliyeedka loo qaatay mudadda sannadkii 2019-kii.

Waxa la sheegay in lacag 12 milyan oo dollar oo ah miisaaniyadda dowldda oo la bixiyay kuwaasoo aan lagu cadeeyn sida lagu bixiyay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category