Guddoomiye ku xigeenada Aqalka Sare oo iyana la doortey

Muqdisho (RH)-Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuuna helay codad gaaraya 28 cod. Cali Shacbaan ayaa doorashadaan kaga adkaaday Cabdixakiim Macallin Axmed oo kula tartamayay kursigaas, kaasi oo helay cod gaaraya 25 cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa ku dhawaaqa natiijada tartanka, waxaana xumaaday hal cod oo kaliya.

Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde

Sidoo kale, waxaa la doortay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha aqalka sare, waxaana loo doortay Senatar Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo horrey u soo noqday wasiirka warfaafinta Puntland, wuxuu helay 30 cod, waxaana uu wareegii labaad uu ka guuleystay Cabdullaahi Sheekh Ismacil ‘Fartaag’ oo helay 24 cod.

Doorashada guddoonka aqalka sare ayaa waxaa xigi doonta doorashada guddoonka guddoonka golaha shacabka oo lagu ballansan yahay maalinta berri.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category