Guddi Hoosaad ka Golaha Guurtidda oo Kulan Xog-waraysi ah la Yeeshay Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa(RH)Mudanayaasha Gudida Joogtada Ah Ee Aqalka Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay xarunta Barlamanka kulan xogwareysi ah kula yeesheen Wasiirka wasaarada warfaafinta ,dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Md. maxamed Muuse Diiriye ,waxaanu wasiirku Mudanayaasha uga warbixiyey Dadaalo hor ler oo uu ku horumarinaayo warbaahinta qaranka S/land ,iyadoo warsiirku daboolka ka qaaday in idaacadii weyn la kicinaayo

Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Waxa u sheegay in Wasaaradda Warfaafintu tahay muraayaddii laga dheehanayay JSL. Waxana uu ka faalooday markii wasaaradda loo dhiibay iyo xaalku siduu ahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo kicin lahaa Idaacadda wayn ee laga dhagaysto dalka oo dhan iyo TV- Qaranka qaybta gudaha oo ciladaysan waxana uu ka waramay farsamo ahaan sida ugu haboon ee loo hagaajin karo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.  Ayaa sidoo kale Mudanayaasha Gudida Joogtada Ah Ee Aqalka Golaha Guurtida Somaliland uga waramay qaybaha ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafintu iyo qaabka ay u shaqayso.

Kadib warbixinta uu Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland. Uu siiyay  Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland. Mudaneyaasha Gudida Joogtada Ah Ee Aqalka Golaha Guurtida Somaliland ayaa halkaasi ku waydiiyay su’aalo la xidhiidha shaqada wasaaradda.

 

Category