Golaha Guurtidda Somaliland Oo Guddi U Saarey Muddo Kordhinta Golaha Wakiillada

Hargeysa(RH)Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi 25 xubnood ah u saaray inay soo qiimeeyaan dib u dhaca doorashada Golaha Wakiilada.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shirgudoonka goluhu waxay guddi ka kooban Shan iyo Labaatan xubnood u saareen inay soo naaqishaan duruufaha  dib u dhaca doorashooyinka  ee Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey ee kaga dalbanayey waajibkooda ka gutaan doorashada dib u dhacday ee  Golaha Wakiillada Somaliland, guddida goluhu saaray  oo waxay iskugu jiraan 21 xildhibaan, saddexda xubnood ee shirgudoonka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtidda.

Dhinaca kalena, mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen fadhiga aan caadiga ahayn ee la isugu yeedhay, waxana ogolaaday 64 xildhibaan, cid diiday ma jirin, waxana ka aamusay laba xildhibaan.

GURT

 

Category