Golaha Guurtida Jsl Oo Ansixiyey Xeerka Nidaamka Furashada Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Golaha Guurtida jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta duuduub ku ansixiyay Xeerka Nidaamka Furashada Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka  ee Xeer No.14. xeerkaasi oo hore kaabis iyo wax ka badalka loogu sameeyey.

xeer

Fadhigan oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa ka soo xaadirey 52 xildhibaan waxaa ogolaaday  Ansixinta xeerkaasi 48 xildhibaan,waxaa diiday 2 Xildhibaan,waxaa ka aamusey 1 xildhibaan gudoomiyuhuna muu codayn sidaasi ayuuna ku ansaxay xeerkaasi

 

 

 

 

Category