Farmaajo oo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto Doorashada

Muqdisho (RH)—Madaxweynaha dowladda Fededraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xalay khudbad uu kula hadlayo shacabka ka jeediyay warbaahinta dowladda, isagoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kami yihiin qalalaasihii ka dhacay Muqdisho iyo doorashooyinka.

Waxa uu tilmaamay in maalinta sabtida ah ee soo socota uu hortegi doono Golaha shacabka si dib loogu soo celiyo heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September ee sanadkii hore, kaasi oo dhigayay hannaanka doorshooyin dadban.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay Dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimuqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category