Fannaankii weynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo Geeriyooday

Mainz (RH)-Alle ha u naxariistee, waxaa dalka Jarmalka ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo muddo xannuunsanaa,sidaas waxaa Radio Hormuud u sheegay qaar ka mid ah eheladiisa.

Fannaanka ayaa ku jiray xaalad miirdabool maalmihii la soo dhaafay isagoo ku xanuusanayay isbitaalka Mainz ee dalka Jermalka.

Fannaanka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday cudurka COVID19 oo dhibaato ba’an ku haya Caalamka.

Wuxuu ka tirsanaa fannaaniintii ciidanka xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan-askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

Allaha u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan inuu fannaan ahaa ka sakow, haddana waxa uu ahaa mu’allif iyo laxamiiste.

Marxuumka ayaa dhawaan tegey magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya isagoo muddo badan ka maqnaa.

Allaha u naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda Qaranka ee Hoballada Waabari.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category