Faahfaahin kasoo baxeysa weerarka Al-Shabaab ee weli ka socda Hoteelka Muqdisho

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa hoteelka aadka loo ilaaliyo ee Villa Rose ee ku yaal xayndaabka qarsiga madaxtooyada ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo xalay siddeeddii fiidnimo iyo daqiiqado ay ururka Al-Shabaab ku ekeeyeen weerrar culus.

Dadka ku sugan aaggaasi ayaa ku warramaya in tan iyo xalay ay maqlayeen qaraxyo iyo rasaas la isku waydaarsanayo hoteelka gudahiisa, goobtaas oo ay tagaan saraakiisha dowladda.

Siduu ku bilowday weerrarka?

Waxaa la sheegay in qarax lagu bilaabay weerrarkaasi, kaddibna rag hubaysan intay u gudbeen hoteelka ay halkaasi ka dagaallamayaan.

Ciidammada ammaanka ayaa wada howlgal ay ku doonayaan inay ku soo afjaraan duullaanka iyo dagaalka ka socda hoteelka, halkaas oo la rumaysan yahay in weli qaar kamid ah raggii duullaanka soo qaaday ay ka dhex dagaallamayaan.

Illaa iyo haatan saraakiisha ammaanka faafaahin dheeraad ah kama aanay bixin waxa hoteelka waqtigan ka soconaya.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aaden Doodishe, ayaa isla xalay sheegay in ciidammada ammaanku ay howgal ka wadaan hoteelkaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jira shacab iyo mas’uulyiinba.

Ka bood Twitter boggan

 

Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

Wasiiru dowladaha arrimaha deegaanka ee Soomaaliya, Aadan Aw Xirsi, ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka farriin uu ku sheegayo inuu ka badbaaday weerrarka halkaasi ka socda.

Ururka Al-Shabaab oo bayaan soo saaray goordhaweyd ayaa shaaciyay in iyagu ay ka dambeeyaan weerrarka hoteel Villa Rose, islamarkaana ay ciidammadoodu halkaas howlgal ka wadaan.

Waxaa la sheegayaa inay jiraan dad waxyeello ay ka soo gaartay weerrarkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba leh, kuwaas oo ay dadku iskula wadaagayaan baraha ay bulshada ku wada xiriiraan, illaa iyo haatanse lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu ka tagay weerrarkaasi.

Xaguu ku yaal hotelka uu weerrarka ka socdo?

nhyt

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Hoteelka Villa Rose, waxa uu ku yaal xayndaabka sida wayn loo ilaaliyo ee ay ku taal xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka caaggan yihiin inay galaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa ay wataan dadka shacabka ah.

Sidaas oo ay tahayse waxaa muuqata in ragga weerrarka soo qaaday ay ka gudbeen baro koontorool oo badan oo aad loo ilaaliyo, kaddibna ay hoteelka weerrar ku ekeeyeen.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ugu suuragashay inay u gudbaan halkaas oo ay weerrarka intaasi la eg ka gaystaan.

Hoteelkan aadka loo ilaaliyo ayaa waxaa la sheegayaa inay si joogto ah u tagaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, siyaasiyiin, iyo xitaa saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidammada.

 

xigasho BBC

Category