Faah-Faahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay 7 kalena waa ay dhaawcmeen kaddib markii gaari lagu soo raray wax yaabaha qarxa oo lagu weeraray bar kontarool oo ku taalla isgoyada laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya,Sadiiq Aadan Cali Doodisho oo la hadlay weriyayaasha ayaa sheegay in ninka waday gaariga uu xoog ku dhaafay bar kontarool oo ku taalla isgoyska dabka.

Sidoo kale, afhayeenka booliska ayaa sheegay in rasaas lagu riday gaariga ay keentay in dadkii ku sugnaa isgoyska Sayidka ay ka cararaan goobta kuwii gaadidka ay ka dagaan taasoo keentay in ay yaraan khasaaraha uu geestay qaraxaas.

"7 qof ayaa ku dhaawacmay qarxa, sidoo kale sideed gaari oo wadadda ku jiray iyo sagaal mooto bajaaj ah ayaa wax ku noqday"ayuu yiri afhayeenka booliska.

Qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Wadaddan qaraxa uu ka dhacay ayaa caan ku ah qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category