Ergada dooraneysa xildhibaannada aqalka hoose ku meti doona gobollada waqooyi oo tababar la siinayo

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah ka furmaya tababar la siinayo ergada dooranaya xildhibaannada aqalka hoose ku matalaya gobollada waqooyi.

Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada waqooyi Cabdishakuur Abiib Xayir ayaa saxaafadda maxalliga u sheegay in uu soo dhammaaday qorshihii lagu qaban lahaa doorahsada, maalmaha soo socda la dooran xildhibaannadaas.

Waxa uu sheegay in uu soo dhammaaday wadatashiyo looga gun lahaa sidda loo soo xulayo xildhibaannada gobollada waqooyi, isagoo xusay in maanta oo Axad ah ay billaaban doonto tabar la siinayo ergooyinka soo dooranaya xildhibannadaas oo noqon doona kuwa ugu horreeya doorashada aqalka hoose.

“Latashiyo badan kadib, oo ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare waxaa la isla qorsheeyay in doorashada labada kursi ee ugu horreeyay la qabto kuwa kalena lagu xejiyo”ayuu yiri Cabdishakuur Xayir.

Xayri ayaa sheegay in maanta la tababari doono ergada oo la siin doono casharo ku saabsan sida ay wax u dooran doonaan berry oo Isniin ahna la qaban doono doorashada labada kursi ee ugu horreeyay ee aqalka hoose.

Mar la weydiiyay sida doorashada loo qaban doono, waxa uu sheegay in marba la qaban doono koox doorashadooda ayna doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi ay noqon doonto ergo wadaag kana baddelan tahay doorashada xildhibaannada kele ee Soomaaliya.

“Halkii xildhibaannada kale ay u codeen lahaayeen halka kursi 101 ergo kuwa gobollada waqooyi waxa ay u codeen doonaan seddex kursi hal mar oo waxa u codeen doona 101 ergo”ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada waqooyi.

Xildhibaannada aqalka hoose ku matalaya gobollada waqooyi ayaa gaaraya 46 xildhibaan, waxaa horrey aqalka sare loo doortay 11 mudane, waxana isu geyn labada aqal ay ku lee yihiin gobolla waqooyi 57 mudane.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category