Duqa Muqdisho oo isku shaandheen ku sameeyay guddoomiyayaal

Muqdisho (RH)-Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday duqa magaalada Muqdisho waxaa isku shaandheen lagu sameeyay illaa sideed guddoomiye degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Xiriirka degmooyinka gobalka Banaadir, Mukhtaar Maxamed Dhaga-Cadde ayaa u sheegay idaacadda dowladda Hoose ee Muqdisho in isku shaandheentan looga gun lee yahay siddii loo sii wadi lahaa shaqada ka socda degmooyinka gobalka Banaadir.

Degmooyinka isku shaandheenta lagu sameeyay waxaa ka mid ah Dharkenley, Xamarweyne, Xamar Jajab, Boondheere, Hodan iyo Howlwadaag.

Sidoo kale waxaa isku shaandheen lagu sameeyay qaar ka mid ah xoghayayaasha degmooyinka gobalka Banaadir.

Arrintan ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen rabshado u dhexeeya ciidamo kala taabasan dowladda iyo mucaaradka.

Xiisadaas ayaa abuurtay in magaalada ay qalqal amni gasho tan iyo markii markii ugu horreysay afartii sanno ee xilka uu hayay madaxweyne Farmaajo.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaley magacaabay guddi wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo xal ka keena khilaafkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category