Dowladda Soomaaliya oo xirtay xarunta dumarka faruuraha u weyneesa

Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah albaabada isugu laabtay xarunta dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan magaalada Muqdisho laga furay.

Agaasimaha arrimaha bulshada xafiiska ra'iisal wasaaraha, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la xiray xarruntan dumarka Soomaaliyeed ku sameen jirta qalliimada, sida dumarka oo farruuryaha loo durayay ama loo weyneenayay iyo qeybaha kale ee jirkooda.

Tallaabada dowladda qaadday ayaa timid kadib markii hadal heyn badan ay ka dhalatay xarruntan laga furay magaalada Muqdish, oo maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada ayaa aad looga hadlayay.

Dadka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Muqdisho oo ku baaqay in la xiro xaruntan dumarka faruuraha weyneestana ku tilmaamay kuwa ka soo horjeeda suuradda Alle uu siiyay.

Shaqooyinka ay xaruntaan qaban jirtay ayaa lagu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda shareecada islaamka, dhaqanka suuban, islamarkaana ay halis caafimaad keeni karaan qalliimada ay sameynayaan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sharciga la tiigsandoonto dadka furay xaruntaan, waxaana laamaha amniga lagu wargaliyay in ay soo xiraan mulkiilayaasha lahaa xarruntan.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia

Category