Denmark: Quusayaasha badda ayaa raadinaya caddaymo la xidhiidha dilka gabadh 21 jir ah bishii Abriil

RH: Booliiska ayaa Talaado iyo Arbaco joogaya dhowr haro iyo balliyo ku yaal magaalada Herning, si ay u raadiyaan caddaymo muhiim ah oo la xidhiidha kiis dil ah.

Kiiskan wuxuu ku saabsan yahay gabar Soomaaliyeed oo 21 jir ahayd oo lagu dilay Herning bishii Abriil. Booliiska ayaa sheegay in gabadha lagu dilay toorey, Isniintii 7-da Abriil, meel lagu magacaabo Gormsvej.

Muddo laba bilood ka badan kadib ayuu booliisku sameeyay horumar weyn markii ay xidheen wiil 17 jir ah oo hadda xabsi ku jira, loona haysto dilka.

Hadda booliisku wuxuu weydiistay ciidanka badda (askarta quusta) inay ka caawiyaan raadinta caddaymo cusub oo muhiim ah.

Taliye booliis Theis Thylstrup ayaa yiri:

“Sababo la xidhiidha baaritaanka, ma sheegi karo si faahfaahsan waxa aan doonayno inaan ka helno biyaha. Laakiin waxaan si adag uga shaqaynay tan iyo Abriil si aan u ogaano sida uu falka u dhacay iyo cidda ku lug lahayd.”

Wuxuu intaas ku daray in booliisku aaminsan yahay in aanay kali ku ahayn dilkaas wiilka 17 jirka ah ee u xidhan kiiska.

“Baadhitaanka hadda wuxuu diiradda saaraya cid kasta oo kale oo ka qayb qaadatay, sababtoo ah waxa ay u muuqataa in wiilka uusan kaligiis falka samayn.”

Quusayaasha ayaa kashaqayn doona meelaha ay ka mid tahay Knudmosen oo u dhow Miljøvej.

Booliisku wuxuu dadka deegaanka ka codsaday in ay meel fog ka joogaan si ay u siiyaan booliiska iyo quusayaasha fursad ay ku shaqeeyaan. Qoyska iyo dadka ay dhibaatadu si toos ah u taabatay waa la wargeliyay.

Booliiska Midt- og Vestjylland kama hayaan wax faahfaahin dheeraad ah oo ay hadda bulshada la wadaagi karaan.

Category