Denmark oo bilaabeysa talaalka Covid-19

RH: Iyada oo markii ugu horeysay ay tirada dadka uu 24 saacadood gudahood ku dhacay Covid-19 ay markii ugu horeysay dhaaftay 4000 qof , isla markaasina dalka oo dhan la xidhay , ardayda iskuuladana intooda badan guryaha loo diray , ayaa waxaa xalay soo baxay war wanaagsen oo sheegaya in Dawlada wadanka Denmark ay dhamaan muwaadiniinta ku nool Denmark u dalabtay Talaalka Covid-19  nooca ay farsameysay shariikada Pfizer.

Talaalka ayaa waxa uu ka bilaabmeyaa wadanka Denmark 26.12.20   iyada oo lagu bilaabi doono 40 kun oo waayeel ah oo ku jira goobaha daryeelka , waxaana lagu xigsiin doonaa shaqaalaha u adeega iyo guud ahaan bahda caafimaadka .

Talaalka ayaa noqon doona lacagla'aan  , warkan ayaa noqdey mid aad loogu riyaaqey maadaama oo xanuunku naafeeyey , dhaqaalihii, caafimaadkii iyo isu socodkii .

Category