Denmark: Bukaanada qaar oo xaq u leh in dalka dibadiisa lagu soo qalo hadii ..

RH: Bukaanno dhowr ah oo qaba kansarka mindhicirka sare ayaa helay macluumaad khaldan oo ku saabsan ikhtiyaarkooda ah in ay qaliin dibadda dalka ku gallikaraan.

Waxay arintani ka dhacday qaybta qaliinka caloosha iyo mindhicirka ee cisbitaalka jaamacadda Aarhus. sidaas waxaa cadeeyey khubarada dhanka sharciga  ka dib markii ay eegeen kiiskan.

Khubarada ayaa ku tilmaamay habka uu maray isbitaalku mid sharci darro ah. - Bukaannada ayaa loo diiday fursad ay ku go'aansadaan in qalliin degdeg ah loogu samaynay karo dibadda, waayo si habboon looma wargelin, ayuu yidhi Rasmus Grønved Nielsen, oo ah borofisar ku takhasusay sharciga maamulka ee jaamacadda Kobanheegan.

Bukaannada kansarka waxay xaq u leeyihiin in la qalo ugu dambayn laba toddobaad ka dib marka loo gudbiyo qalliin. Hadii aan lagu qalli karin  mudadaas gudaheeda, waxay xaq u leeyihiin in loo gudbiyo isbitaal kale.

Balse bukaanka qaba kansarka mindhicirku caadi ahaan laguma daweyn karo meel kale oo Danmark ah marka laga reebo cisbitaalka jaamacadda Aarhus. 

Hadii uu cisbitaalkani mudadaas gudaheeda ku qali karin bukaanka waa  in loo gudbiyo  dalka dibadiisa haddii ay rabaan bukaanku.

Laakiin sida ku cad dukumeenti gudaha ah oo saxaafad Denmark gaar ahaan DR helay, dhawr bukaan oo kansarka mindhicirka  qaba ayaan la siin wax deeq ah oo la taaban karo, si dibada dalka loogu soo  qallo inkasta oo cisbitaalka Aarhus aanu laba todobaad gudahood ku qali kareynin.

 

Category