Dawlada Qatar oo ka hadashey dhallinyadii loo qaadey Eriteria

Dowladda Qatar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si  hadashay arrinta laxidhiidha dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore loosheegay in lageynayo dalka Qatar.

Qoraalka ka soo baxay dawlada Qatar ayaa waxaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrera looga dalbaday inay baadhitaan dhab ah ku sameeyaan arrintaasi.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay cambaareyneyso tallaabooyinka noocaan oo kale oo looga been abuuranayo Xukuumadooda.

“Waan cambaareyneynaa dadka sida qaldan waxa ugu sheegay dhallinyada Soomaaliyeed, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha in ay baadhaan xadgudubyada noocan oo kale ah”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Category