Dadaalo lagu xallinayo sidii ciidamada gadoodsan ay uga bixi lahaayeen Muqdisho

Muqdisho (RH)— Magaalada Muqdisho waxaa xaley heshiis 10 qodob ka kooban ku kala saxiixday raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharixiinta, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskaas madaxda maamullada Galmudug iyo HirShabeelle.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in dhammaan ciidamada ku yimid xiisaddii ka dhacday magaalada ay dib ugu laabtaan furamaha iyo aagaga ay soo baneeyeen lagana saaro magaalada Muqdisho muddo 48 saacadood.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa saxaafadda u sheegay in qodobkaas uu yahay kan ugu muhiimsan uuna billaaban doono sidii ciidamada ay uga bixi lahaayeen magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dhammaan la xalliyay wax yaabihii taagnaa waxa dhimanna ay yihiin kuwa farsamo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonadaan dedaalad ay sameeneyso dowladda ee ku aadan in la fuliyo heshiiska.

Kulanka raysal wasaaraha iyo midowga musharixiintaRaysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category