Daacish oo xiray qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha

Muqdisho (RH)-Wararka naga soo gaaraya suuqa weyn ee Bakaaraha oo ku yaalla degmada Howlwadaag ayaa sheegaya in qeybo ka mid suuqa la xiray, kadib markii amar ka soo baxay kooxda Daacish owgeed.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in ganacsada ay ka hor yimaadeen canshuur lagu kordhiyay, waxaana qeybaha xiran ka mid ah qeybaha lagu iibiyo bagaashka iyo daawada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo loo xiray arrimahan oo kale, sannadkii horre ayaa Daacish ay amar ku bixisay in la xiro qeyb ka mid ah suuqa gaar ahaan qeybta lagu iibiyo alaabaha dhismaha.

Dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir illaa hadda kama hadlin warka ku saabsan in qeybo ka mid suuqa la xiray.

Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho waa suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxaana ku xiran gobollo badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale, waxaa ganacsigiisa qeybo ka mid ah la geeyaa waddamada dariska sida Kenya iyo Itoobiya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category