Booliska Somaliland oo soo qabtey haweenay jirdil u gaysatay gabad yar

WAR-SAXAAFADEED


Hargeysa (RH)-Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigey Haweenay jidh-dil xun u gaysatay gabadh yar oo Gurigeeda kula noolayd, magaalada Hargeysa.

Muuqaallo laga duubey gabadhan yar ee jidh-dilka loo gaystay oo aan arkay ayaa muujinaya jidh-dil xun oo ku yaalla guud ahaanba jidhka gabadha yar.

Halkan ka akhriso War-saxaafaddeed ay Boolisku kasoo saareen dhacdadan;

Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland oo gacanta kusoo dhigey Haweenay jidh-dil xun u gaysatay Gabadh yar.

Hargeysa: Ciidanka Booliska JSL ayaa hawl-gal ay saaka Saladii subax sameeyeen gaar ahaan Saldhiga New Hargeysa waxa ay gacanta kusoo dhigeen haweenay ku eedaysan in ay jidh-dil u gaysatay gabadh yar oo gurigeeda kula noolayd, taasi oo ciidanka Boolisku ka war heleen kaddib markii ay arkeen Muuqaallo muujinaya jidh-dilka loo gaystay ilmaha yar oo lala soo wadaagay.

Xogta haweenaydan oo xalayba ay ciidanku heleen ayaa saaka waxa u suurtogashay in ay soo kasoo qabtaan Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa iyada iyo gabadha yar ee ay jidh-dilka u gaysatay.

Ciidanka Booliska ayaa haatan gacanta ku haya gabadha yar ee jidh-dilka loo gaystay, iyadoo baadhitaano dheeraad ah ay ciidanku ku sameyn doonaan kiiskan.

Haweenaydan iyo gabadha yar ayaa ah Walaalo, sida ay ciidanka u sheegtay gabadha yari, iyadoo waalidka ilmaha yari ay degan yihiin magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Dhanka kale, ciidanka Boolisku waxay shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga digayaan falalka noocan oo kale ah, iyadoo ubadka yaryar ee Guryaha lagu haystana ay ciidanku il gaar ah ku eegi doonnaan xaaladdooda.

Boolisku waxay shacabka Somaliland uga mahad-celinayaan xogaha qorsoon ee mar walba ay la soo wadagaan, waxaanan u sheegaynaa bulshada in kiiskan iyo kuwa lamid ahba ay la wadaagi doonnaan marka ay baadhistiisu dhammaato.

ALLE MAHAD LEH

XAFIISKA WARBAAHINTA

CIIDANKA BOOLISKA JSL.

Category