Beesha Caalamka oo ka hadashay xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Beesha Caalamka ayaa madaxda dowladda iyo maamul goballeedyada ugu baaqday in ay sii wadaan wadahallada ku saabsan siddii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, kaddib markii natiijo la'aan uu ku soo dhammaaday shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb toddobaadkii horre.

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka oo ay ku saxiixnaayeen waddamamda Denmark, Sweden, Marayanka, Ingiriiska, Howlgalka AMISOM, Ururka Jaamacadda Carabta, Ethipia, Sudan, Turkey, QM iyo urur goballeedka IGAD.

Waxa ay sheegeen in ay aamisan yihiin in dhammaan dhinacyada ay ka go'an tahay in ay heshiis gaaraan.

Waxa ay soo dhaweeyeen khudbaddii madaxweynaha u jeediyay baarlamaanka maalintii Sabtida.

Waxa ay sheegeen in ay taageersan yihiin in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan shirarka madaxda dowladda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka Soomaaliya, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Cabdillaahi Farmaajo aysan u aqoonsaneen madaxweyne maadama uu dhammaaday muddo xileedkiisa oo ku ekaa xaley.

Kulanka waxaa joogay madaxweynayaashii horre Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo afhayeenkii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qaar kale.

Waxa ay sheegeen musharrixiinta mucaaradka in xaley ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayna u sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu waqtigiisa dastuuriga uu ka dhammaaday ayna ka hadleen siddii loo buuxin lahaa firaaqa siyaasadeed ee dalka uu galay.

Musharixiinta mucaaradka

Si kastaba, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta daganeed, waxaana caadi ahaa nolasha oo waxaa shaqeeenayay garoonka diyaaradaha, dekedda, waxaa furnaa goobaha ganacsiga sida suuqyada, bangiyada, goobaha waxbarashada iyo gaadidka dadweynaha oo si caadi ah u shaqeenayay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category