Banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (RH)-Banaanbax xoogan oo loogu soo hor jeedo ururka Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaana sidoo kale lagu u taageerayay Ciidamada dagaalka kula Al-shabaab.

Shacab farabadan oo isugu jiray maamulka Gaalkacyo, Culimo, Oadayaal, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ayaa ka qeyb galay banaanbaxa lagu taageerayay Ciidamada dagaalka kula Al-shabaab.

Qaar kamid ah dadkii banaanbaxayay oo la hadlay warbaahinta maxallig ayaa sheegay inay kasoo horjeedan dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay garab taagan yihiin Ciidamada.

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ka dhacayay dagaalo iyo duqeymo diyaaradeed.

Xiggasho:BBC

Category