Axmed Madoobe oo ka hadlay doorashada kuraasta taalla Gedo iyo arrimo kale

Kismaayo (RH)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay la hadlayay xildhibaanada labada aqal ee federaalka ee dhowaan lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay in inta ay maqanyihiin kuraasta 16-ka ah ee loo asteeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Axmed ayaa sheegay in uu doonayo in kuraastaasi doorashadooda ay u dhacdo qaab caddaalad ah oo tartan furan ah, ciddii rabtana ay isu soo sharaxdo, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

Waxa kale oo uu sheegay in uusan ogoleyn qorshe beesha caalamka ay usoo jeedisay oo ahaa in kuraasta la kala qeybsado.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kuraasta dhiman ee Gobolka Gedo iyaguna dhawaan lasoo dooran doono isla markaana matalaad la’aan ayna noqon karin dadka reer Jubbaland ee gobolkaas ku nool.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in ayna macquul ahayn doonista qaar kamid ah beesha caalamka ee raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ay kala qeybsadaan Xildhibaanada kasoo baxaya Gobolka isla markaana dadka matalaada iska leh ee deegaankaas kasoo jeeda ay iyagu soo dooran doonan dadka ku matalaya Baarlamaabka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubbaland ay joogaan isla markaana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubbaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

Madaxweynahu wuxuu xusay in Jubbaland ay dhibaato adag kala kulantay Maamulka Wali Sida sharci darada ah talada ku jooga loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladan qalafsan dalka looga saaro gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari karin Hay’adaha amniga Dowlada iyo Al-Shabaab isla markaana ay si weyn iskugu milmeen loona baahan yahay in Xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda sida uu hadalka u dhifay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category