Aqalka Cad oo Farriimo Jacayl oo "Layaab Leh" u Diray Waddamo ay ku Jirto Greenland

Kolding (Radio Hormuud) — Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa munaasabadda maalinta Jacaylka (Valentine's Day) u dabbaal-degay qaab ka duwan kuwii hore, iyagoo soo saaray kaarar jacayl oo xambaarsan farriimo siyaasadeed oo dad badan soo jiitay.

Wararku waxay sheegayaan in Aqalka Cad uu baraha bulshada ku baahiyay afar sawir oo loo qaabeeyay kaararka jacaylka, balse midka ugu hadal-haynta badan uu yahay midka lagu sawiray khariidadda jasiiradda Greenland oo ku dhex jirta wadne cas.

"Xiriirkeenu waa noocee?"

Kaarka lagu sawiray Greenland ayaa waxaa ku qoran weedha ah: "Waa xilligii aan qeexi lahayn xiriirkeena (Situationship)." Ereyga "Situationship" ayaa loo adeegsadaa xiriirka u dhexeeya laba qof oo aan weli si rasmi ah u midoobin, balse saaxiibtinimo ka durugsan ay ka dhexayso. Tani waxay dad badan xasuusisay damacii hore ee Mareykanka ee ahaa iibsashada jasiiraddaas.

Maduro iyo Kaarka Maxaabiista

Sidoo kale, kaararka la baahiyay waxaa ka mid ahaa mid lagu sawiray madaxweynihii hore ee Venezuela, Nicolas Maduro, kaas oo Mareykanku uu xabsiga u taxaabay bilowgii sannadkan. Kaarkaas ayaa lagu qoray: "Wadnahaygii ayaad maxbuus ahaan u qabatay," taas oo ah kaftan ku aaddan soo qabashadiisa.

Aqalka Cad ayaan qoraal dheer raacin sawiradan, marka laga reebo weedha kooban ee ah: "Made just for you" (Waxaa si gaar ah loogu talagalay adiga).

Category