Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey inay ka fuliyeen magaalada Muqdsiho.

Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen iney qaraxaasi ugu yaraan ay ku dhinteen 4 qof, qaarkalana ay ku dhaawacmeen.

Gaariga qaraxa loo adeegsaday ayaa lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo mareysay waddo ciriiri ah oo ku talla magaalada Muqdisho.

Ahayeenka booliska Soomaaliya, Gaashanle Saadaq Aaden Cali wuxuu BBC u sheegay qaraxaasi in lagu bartilmaameedsanayey taliyaha booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Faraxaan Maxamuud, balse qaraxa uu ka badbaaday.

Sagaalka qof ee qaraxaasi ku dhaawacantay waxaa ka mid ah hal askari oo boolis ah uu dhaawac fudud soo gaaray, halka 8 qof ee kale ay yihiin dad rayad ah.

Ururka Al-shabaab ayaa qaraxyo isdabajoog ah la beegsado hay’adaha ammaanka, saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo dadka rayadka ah.

 

xigasho. BBC 

Category