Abiy Ahmed oo kahadley xaalada Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan ka shaqeyn doonin kala qeybinta Soomaaliya, isagoo xoogaggii TPLF ku eedeeyay kala qeybinta wadamada Geeska Afrika.

Dagaalkii uu lagalay Tigreega ama TPLF ayuu ku tilmaamay mid dan u ah dhamaan wadamada Geeska Afrika.

Warbixin lagu daabacay Project Syndicate ayuu ku sheegay ra’iisul wasaare Abiy in TPLF ay qas ku wadeen dalalka Geeska Afrika, islamarkaana ay doonayeen iney kala qeybiyaan, balse ay soo afjareen.

“Siyaasadda TPLF waxa ay aheyd mid ceeyriin ah oo uga fa’iideysanayeen inay ku kala qeybiyaan wadamada ay dhibaatada ka jirto, iyaga oo aan joogin, balse anaga dhankeena waxaan ka shaqeyneynaa xasiloonida siyaasadeed,” Ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed oo saaxiib dhaw la ah madaxwenaha wakhtigiisu dhamaadey ee soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuusan ka shaqeyn doonin xasiloonni darrada Soomaaliya oo muddo 30-sano ah dhibaatooyin dhexda uga jirta.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegaa in siyaasadda xukuumadiisa ay tahay in laga wada shaqeeyo xal u helidda duruufaha ku gadaaman dalalka Geeska Afrika.

Category